Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoolihii ka dhoofay Somaliland oo lagu xannibay Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Xassan Maxamed Cali (Xassan Gaafaadhi) oo Sabtida maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyay in dekedda magalada Jidda ee dalka Sacuudiga lagu xannibay Markab xoolo sida oo ka dhoofay dekedda Berbera kadib markii la ogaaday in xoolaha saaran aysan shahaadada caafimaadka ka haysan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in kadib markii ay ka war-heshay in markabkaasi dekedda Berbera ka dhoofay ay dadaal xoogleh ku bixisay sidii xannibaad loo saari lahaa markabka iyo xoolaha saaranba.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wasiirka Xannaanada Xoolaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu la soo hadlay ganacsatada leh Maxjarrada Somaliland ku yaalla isagoo sida uu sheegay ugu hanjabay in xoolaha Somaliland ka dhoofa ee aan haysan shahaadada caafimaadka DFS aanay ka degi doonin dekedaha waddanka Sacuudiga.

Halkan ka daawo xoolihii shirka jaraa’id

PUNTLAND POST

The post Xoolihii ka dhoofay Somaliland oo lagu xannibay Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this