Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiga Amniga Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula qaatay Guddiga Amniga magaalada Boosaaso.

Kulanka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Guddiga Amniga Boosaaso ayaa waxaa ka warbixiyey Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Waxaa Madaxtooyada magaalada Boosaaso noogu qabsoomay shirkii Amniga gobolka Bari oo uu shir guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ujeedada ugu weyn ee laga wada-hadlaayeyna waxa ay ahayd sidii looga wadashaqayn lahaa Amniga magaalada, sidii isku xidh amni loo helilahaa”

“Iyo in Madaxweynuhu warbixin ka qaato qorshayaashii hore wixii ka qabsoomay ee dowladdu dejisey, waxa qabyada ka ah iyo sababta ay u qabsoomiwaayeen, waxaan rajaynaynaa xogta iyo shaqooyinka aanu qabanay ee aanu u gudbiney inuu la wadaago xukuumadda, sidoo kale waxaan rajaynaynaa inaan hirgelino talooyinka iyo amaawiirta uu nafaray” Ayuu yiri Duqa degmada Boosaaso.

Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada

  • 1-34.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-32.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-32.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-31.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-28.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-27.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiga Amniga Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this