Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaawacyo culus oo diyaarad looga soo qaaday Kismaayo + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah dadka qaba dhaawacyad halista ee wax ku noqday weerarkii Kismayo ayaa maanta diyaarad looga soo qaaday magaaladaasi.

Dadkan oo xaaladdooda aad ay u liidato ayaa waxaa loo kala qaaday magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ilo Caafimaad ayaa Caasimadda Online u sheegay in dhaawacyadaasi wax looga qaaban waayey isbitaalka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dadkaaso dhaawacyada ah iyo Ehelladooda ku sii sagootoyey garoonka magaaladaasi.

Sidoo kale warar aan helnay ayaa ku warramaya in dowladda dhexe ee Soomaaliya diyaarad siday daawo iyo gurmad caafimaad ay u dirtay Jubbaland, taas gar gaar geysay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG maamulkaasi.

Weerarka lagu qaaday hotelka Cascasey ayaa ahaan weerarkii ugu xooganaa ee Kismaayo ka dhaca, tan iyo markii 7 sano ka hor laga saaray Al-Shabaab.

Jubbaland ayaa shaacisay in lagu dilay 26 qof, laguna dhaawacay 56 kale oo ay ku jiraan dad Ajnabi ah.

Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo iyo xog kale oo xasaasi ah halkaan ka daawo

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

4-4.jpg 1-2.jpg 2-3.jpg 3-2.jpg

Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo iyo xog kale oo xasaasi ah halkaan ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this