Deeq A. Posted July 13, 2019 New York (SMN) – Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa, António Guterres, ayaa cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ay Xarakada Al-Shabaab ku qaadday shalay Hotel ku yaalla magaalada Kismaayo. Afhayeenka xoghayaha guud, Stephene Dujarric, ayaa sheegay in sidoo kale uu Mr; Guterres uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo Qoysaska kuwa naftooda ku waayay weerarka wuxuuna u rajeeyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo kabtaan waxyeelladii ka soo gaadhay gaadhay halkaasi. Xoghayaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxeysa,Antonio Guterres, ayaa ugu dambeyn sheegay in ay Qaramada midoobay Bulshada Soomaaliyeed u hayso taageera buuxda , una rajeynayso mustaqbal nabad ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites