Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari ay la socdeen shacab oo lagu rasaaseeyey Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadale (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxayaweerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen gaari rakaab ah oo marayey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gaariga oo ahaa Hoomey ayaa lagu soo warramayaa in lagu rasaaseeyey inta u dhexeysa degmada Cadale iyo deegaanka Biyo Cade ee gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa rasaastaasi ku dhintay illaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 5 kale oo ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee la socday gaariga.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxaha ka dambeeyey falkaasi ay dhac baahsan u geysteen rakaabkii saarnaa gaariga, iyaga oo ka qaaday agabkii ay siteen.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo kan HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan waxaa Shabeelaha Dhexe dhibaatooyin xoogan ka geysta kooxo burcad ah oo ku sugan waddooyinka gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this