Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Galmudug oo adkeeyey ammaanka Hobyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hobyo (SMN) –  Ciidamada maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay adkeeyeen amniga degmada Hobyo ee gobolka Galgaduudud.

Ciidamada ayaa baaritaano xoogan oo lagu xaqiijinayo nabad galyada ka wada gudaha magaaladaasi.

15-bishan ayaa la filayaa in Hobyo lagu qabto shirka dib u heshiisiinta qeyb ka mid ah Beelaha daga dowlad goboleedka Galmudug.

Odayaal, siyaasiyiin iyo ergo kale oo ka qeyb galeysa shirka ayaa haatan ku sii qul qulaya degmadaasi.

Shirkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan Dhuusamareeb uu ka dhici doono shirka guud ee dib u heshiisiinta Galmudug, kaas oo ay wado dowladda Soomaaliya.

Dhawaan ayaa sidoo kale la filayaa in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo mida Baarlamaanka ee maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this