Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab  oo soo bandhigtay liiska dadkii ay dooneysay ee lagu dilay Hotelkii ay weerareen

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Xarakada Al-Shabaab oo horay u sheegatay mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Hotel Cascasey ee Magaalada Kismaayo ayaa shaacisay inay weerarkaas ku dishay ku dhawaad 40 ruux oo ay ku jiraan siyaasiyiin, mas’uuliyiin iyo Ajaanib kasoo jeeda wadamada Mareykanka, Africa iyo Asia.

“Allaah fadligii wuxuu howlgalku ku soo dhamaaday guul, waxaana ku dilnay ku dhawaad 40 cadow ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacnay 60 kale oo cadowga ka mid ah. dadka aan dilnay waxaa u badnaa siyaasiyiinta iyo saraakiisha maamulka iyo tiro ajaanib ah oo kasoo jeeda wadamo kala duwan” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay afhayeenka Xarakada Al-Shabaab.

Idaacadda Andalus ayaa baahisay magacyada qaar ka mid ah xubnaha lagu dilay weerarkaas iyadoona shaacisay in ay soo gudbin doonto dhammaan magacyada saraakiisha iyo mas’uuliyiinta lagu dilay weerarkaasi.

Dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday Hotelka Cas-Caseey oo ay Al-Shabaab sheegatay waxaa ka mid ahaa Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo wasiir kasoo noqday xukuumaddii Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii sagaalaad.

Shuuriye ayaa hadda ahaa Musharax madaxweyne oo u tartamayey xilka madaxtinimo ee maamulka Jubbaland waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa siyaasiyiinta daganaa Hotelka la weeraray.

Xubnaha weerarkaas ku dhintay waxaa sidoo kale ka mid ahaa nin lagu magacaabo Fariid Jaamac Saleebaan oo ahaa wasirkii hore ee ganacsiga ee maamulka Jubbland, sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsan maamulkaas sida ay sheegtay Al-Shabaab oo ku sheegtay inay guul ka gaareen ujeedkii weerarkaas.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkaas ku dishay  Shiine Xasan Xanafi oo ku sheegtay inuu ahaa taliyaha tabarka Academy-yada booliska Jubland, iyo Nuur Deeq oo ay ku tilmaamtay inuu u ahaa Sarkaal u shaqeynayey hay’adda UN-ka, iyo nin magaciisa lagu soo koobay Shire oo ay ku sheegtay inuu ahaa taliye ku xigeenka Ciidanka Bangaraafta qeybta Jubbland sida baahiisay Idaacadda Andalus ee Al-Shabaab.

Sidoo kale ayaa AL-Shabaab ayaa sheegatay in dadka ugu badan ee Hotelka ku dhintay inay ahaayeen odayaasha ergooyinka ah ee soo xulay xildhibaanada kuwaas oo ay sheegtay in badankood ay joogeen Hotelka xilligii weerarka dhacayey.

Ugu dambeynti waxay Al-Shabaab sheegtay inay soo gudbin doonto liiskaas oo dhameystiran.

Illo madax banaan ayaa sheegayo in dadkii ku dhintay Hotelka la weeraray ay u badnaayeen Dadka shacab ah oo aan Maamulka Jubbalanad ka mid aheyn iyo kuwa kale oo dalka dibadiisa ka imaada.

Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo iyo xog kale oo xasaasi ah halkaan ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this