Sign in to follow this  
Deeq A.

QM iyo dowlado kale oo si kulul u cambaareeyey weerarkii Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si xoogan u cambaareeyey weerarkii Al-Shabaab shalay gelinkii dambe ay ku qaadeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Guterres ayaa Tacsi u diraty Ehellada ay dadkoodu ku geeriyoodeen weerarkaasi, isaga oo kuwa dhaawaca soo gaaray u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Sidoo kale wuxuu weerarkan ku tilmaaamay mid baahalnimo ah oo lagu laayey dad aan waxba galabsan.

Xoghayaha guud ee QM ayaa intaasi raaciyey inay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale dowladda Canada ayaa war ka soo saartay weerarka ku bilowday Ismiidaaminta ee ka dhacay Hotelka Cascasey ee magaalada Kismaayo.

Qunsuliyadda Canada ee ku taalla Nairobi ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdadaasi, islamarkaana ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay weerarkaasi oo ay ku jiraan Muwaadiniin u dhashay dalkeeda.

Sidoo kale AMSIOM ayaa si kulul uga hadashay weerarkan oo qaatay muddo ku dhaawad 15 saacadood oo xiriir ah.

Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Fransisco Madeira ayaa cambaareeyay weerarkaasi.

Madeira ayaa tilmaamay in Al-Shabaab aysan guuleysaneyn, islamarkaana looga adkaanayo gudaha Soomaaliya.

Jubbaland ayaa shaacisay in weerarkan lagu dilay 26 Qof, sidoo kalena lagu dhaawacay 56 kale oo ay ku jiraan dad Ajnabi ah.

Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo halkaan ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this