Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Burbur weyn oo soo gaaray Hotelkii ay Al-Shabaab weerareen iyo wararkii ugu dambeyeey

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Ciidamada Ammaanka ee magaalada Kismaayo saaka subaxnimadii hore soo gabagabeeyay weerarkii ku bilowday qaraxyada ee shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotelka Cas-casey oo ka mid ahaa hotelada ugu mashquulka badnaa ee magaalada Kismaayo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada dableydii weerartay hotelka ee saacadaha badan ka dhex dagaalameysay, waxaana la sheegayaa inay gaarayeen in ka badan shan dagaalame.

Bur bur Xoog leh ayaa ka muuqda Dhismaha Hoteelka shalay la weeraray ee Kismaayo, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 26 qof ayna ku dhaawacmeen 56 ruux.

Hoteelka ayaa waxaa soo gaaray burbur, Maadaama Iridda hore ee Hoteelka lagu dhuftay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ka hor inta aysan weerarka qaadin Kooxda hubeysan.

Sidoo kale dhibaatada Hotelka soo gaartay ayaa waxaa kamid ah rasaas culus oo ay Ciidamada Jubbaland ku garaaceen Hotelka.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo inay hadda xaaladda tahay mid dagan, waxaana Hotelka kusii qulqulayo mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Ajaanib u kala dhashay dalalka kala ah;

Kenyan 3 qof.

Canadian 1 qof.

British 1 qof.

American 2 qof.

Tanzanian 3 qof.

China 2 qof, dhaawac

Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo halkaan ka daawo

 

4-60.jpg 2-71.jpg 1-79.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this