Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo shaacisay dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shaaciyey khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkii shalay gelinkii dambe Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka Midiina Ex Cascasey oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhinteen illaa 26 Qof, kuna dhaawacmeen 56 kale.

Dadka dhintay wuxuu tilmaamay inay ku jiraan dad Ajanabi ah oo u kala dhashay dalalka : Kenyan 3 qof, Canadian 1 qof, British 1 qof., American 2 qof, Tanzanian 3 qof iyo China 2 Qof oo dhaawac ah

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa intaasi ku daray in ragga weerarka soo qaaday ay gaarayeen afar, islamarkaana labo ka mid ahaa la toogtay, halka mid nolosha lagu qabtay, midna uu is qarxiyey.

Ugu dambeyn waxa uu ku amaanay ciidamada ammaanka, sida ay uga jawaabeen weerarkaasi, ugana hortageen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this