Sign in to follow this  
Deeq A.

Cudur la garan la’yahay oo ka dilaacay gobolka Shabeelaha Dhexe iyo dad u dhintay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in cudur aan weli la aqoonsan uu fara kulul ku hayo gobolkaasi.

Cudurkan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay uu ka dilaacay tuulooyin hoos yimaada deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Inta la xaqiijiyey waxaa Cudurkaasi u dhintay illaa 7 Qof oo isugu jira Rag iyo Dumar, halka ay haatan la’il daran yihiin 12 kale.

Dadka uu soo ritay xunuunkan oo aad uu liita ayaaa loo soo qaaday gudaha magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dadka dhintay iyo kuwa haatan xanuunsan ayaa ah kuwa Ehel ah.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Cudurka uu leeyahay Qandho fara badan, islamarkaana uusan waligiis arag.

“Waa xanuun aad u Qandho badan oo qofka ku ridayo tabar yari, kadib uu dhimanayo” ayuu intaasi raaciyey.

Ugu damgbeyn wuxuu ugu baaqay maamulka HirShabelle iyo dowladda dhexe ee fedeaarlka in loo soo gurmado, si looga hortago Cudurkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this