Sign in to follow this  
Deeq A.

Maydadka 72 Qof Oo Doon Kula Dagtay Xeebta Dalka Tunisia Oo La Helay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Badda ee dalka Tunisia ayaa soo helay maydadka 72 qof oo doon ay saarnaayeen ay kula dagtay xeebaha dalka Tunisia todobaadkan, sida ay sheegayaan saraakiisha hay’adda gargaarku shalay oo jimce ah.

Tunusia.jpg

Tirada ilaa iyo hada ku dhimatay shilkan ee maydadkooda la soo helay ayaa gaadhaya 72 qof, sida uu sheegay Mongi Slim, oo ah madaxa hay’adda Laanqayrta cas ee dalka Tunisia, kaas oo sheegay in maydadkan laga soo helay gobolka koonfurta ee Medenine.

Doontan ayaa ku dagtay magaalada ku taala koonfurta dalkaasi ee Zarzis maalintii arbacadii iyadoo siday tahriibayaal Afrikaan ah oo tiradoodu gaadhaysay 86. Halkaas oo Afar kaliya la soo badbaadiyey, inkastoo markii dambe midi uu cusbitaalka ku dhintay.

Todoba iyo Afartan Mayd ayaa maalintii Khamiistii la soo saaray iyagoo dul sabaynayey oogada sare ee biyaha, dadka dhintay ayaa waxa ku jiray ilmo yar iyo shan haween ah.

Doontan ayaa qorshaheedu ahaa inay gaadho Yurub maalintii isniintii markii ay ka dhaqaaqday dalka ay jaarka yihiin ee Liibiya.

Xeebaha dalka Tunisia ayaa mudooyinkii u dambeeyey caan ku noqday inay ka baxaan kumanaan tahriibayaal ah oo ay ku jiraan Tunisian nolol fiican ka raadsanaya dalalka Yurub inay ka tahriibaan dalkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this