Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jubbaland oo soo afjaray weerarkii Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Ciidanka Aminiga Jubbaland ayaa soo afjaray weerarkiii Al Shabaab ay kula galeen Hoteelka Madiina Ex Cascaseey ee Magaalada Kismaayo.

Waxaa uu dagaalka socoday muddo ka badan 10 Saacadood ah , ilo deegaanka ah oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in 2 ka mid ah Dagaalamayaashii weeraray Hoteelka ay baxsadeen.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku Geeriyooday weeraradaasi oo isugu jiray Qaraxyo iyo Tacshiirad ku dhawaad 10 qof , halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Ammaanka Jubbaland  ayaa baaritaanno ka wada  waxaana lagu soo warramayaa in Maamulku  Damiyeen Qadkii Isgaarsiinta.

Al Shabaab oo ka hadlay weeradaasi ayaa sheegay in ragga gudaha hoteelka ka dagaallamaya ay muddo sedax jeer ah iska difaaceen weeraro uga yimid ciidamo huwan ah islamarkaana ay Saacado badan heysteen  dhismaha Hoteelka Madiina Ex Cascaseey.

Dadka ku Geeriyooday weeraradaasi isugu jiray Qaraxyada iyo Tacshiirada ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Ismaaciil Shakur oo ahaa Musharax u taagan xilka Madaxweyne ee maamulka Jubaland  horayna u soo noqday Wasiir ku xigeenki Howlaha Guud Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Madaxii Hay’adda Saado Deeq Ciise , Jaamac Fariid oo isna soo noqday Wasiirkii Ganacsiga Maamulka Jubbaland , ahaana Seygii Wariye Hodan Naaleeye oo iyana ka mid ahayd dadkii uu gallaaftay weerarkaasi.

Hodan Naaleeye ayaa ahayd Saxafiyad u dhaq dhaqaaqda Arrimaha Bulshada Soomaaliyeed , iyadoo Barnaamijyo soo jiidasho leh ka sameyn jirtay Horumarrada iyo Hal Abuurka Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa Isna ka mid ahaa Dadka weerarkaan ku Geeriyooday Wariye Mohamed Sahal Omar ( Gacmadheere ), oo Wakiil Wareed uga ahaa Magaalada Kismaayo Television-ka SBC ee fadhigiisu yahay Puntland

Dhinaca kale waxaa dadkii weeraradaasi ku dhaawacmay ka mid ahaa Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , oo isagu ka mid ahaa Dadkii ku sugnaa Hoteelka wax ka dhaceen.

Ilo wareedyada ayaa intaas ku daraya in Ciidamada Ammaanka ay u suura gashay bilowgii weerarka in Hoteelka ay ka badbaadiyaan Senatarro ay ka mid yihiin Iftiin Xasan Baasto,iyo Axmed Xaashi ayaa laga Badbaadiyay Hoteelka.

Hoteelka Madiina Ex Cascaseey ayaa waxaa Degenaa , Xubno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Somalia, Musharrixiin , qaarkood ah kuwa ugu Cad Cad doorashada Madaxweyne ee maamulka Jubbaland sida  Musharaxa Cabdullahi Ciilmooge Xirsi oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Dad kala duwan oo ay ku jiraan Ergooyin taabacsan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo intooda badan dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this