Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrax Ciilmooge oo ka hadlay weerarkii magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Musharrax Madaxweyne C/laahi Ciilmooge Xirsi oo u warramay Shabelle ayaa ka hadlay weerarkii shalay gelinkii dambe Al-Shabaab ay ku qaadeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciilmooge ayaa sheegay in la filayay in xilliyadan oo kale Al-Shabaab ay kordhiyaan weeraradooda, maadaama lagu gali rabo doorashada maamulkan Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isagu uu ka mid ahaa mas’uuliyintii daganaa Hotelka la weeraray.

Musharrax Ciilmooge ayaa ugu baaqay ciidanka Jubbaland inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay kordhiyaan baaritaanada lagu xaqiijinayo amniga.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/ciil.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this