Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarkii Magaalada Kismaayo Oo 15 Saacadood Kadib La Soo Afjaray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kismaayo)-Ciidammada Ammaanka ee magaalada Kismaayo ayaa ku dhowaad saacad ka hor oo saaka subaxnimadii la soo gabagabeeyay weerarkii ku bilowday qaraxyada ee shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotelka Cas-casey oo ka mid ahaa hotelada ugu mashquulka badnaa ee magaalada Kismaayo.

kismayu-696x935.jpg

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada dableydii weerartay hotelka ee saacadaha badan ka dhex dagaalameyay, waxaana la sheegayaa inay gaadhayeen in ka badan shan dagaalame.

Tirada dadka ku dhintay ayaa iyana si rasmi ah loo ogeyn, balse waxaa ku jira dad iskugu jira Wariyeyaal, Ergooyin, gabadh caan ka aheyd baraha bulshada oo lagu magacaabayay Hodan Naaleeye iyo seygeeda oo Wasiir hore ka soo noqday Jubbaland.

Dhaawacyada ayaa la sheegayaa inay ka badan yihiin sodomeeyo, waxaa la filayaa in qaarkood loo qaado magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday Hotelka ku yaalla Kismaayo, waxaana uu ahaa weerarkii u horeeyay noociisa ee ay ku qaadaan Kismaayo, iyadoo weerarkan ku soo aaday xilli magaalada isku diyaarineyso doorashooyinka Jubbaland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this