Sign in to follow this  
Deeq A.

Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo ka heshiiyay khilaaf u dhexeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Heshiiska.png?resize=1000%2C538&ssl=1Guddoonka labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xalay kulan socday mudo laba saac ku dhow ku yeeshay Magaaladda Muqdisho.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare Abshir Axmed Maxamed (Abshhir Bukhaari),waxaana ugu dambeyn guddoomiyaasha labada aqal oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay uu guddoomiyaha golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi sheegay in shirka laga soo saaray in laga gudbo wixii cabasha ahaa ee labada aqal dhexdooda ahaa islamarkaana dib loo soo celiyo wada shaqeyntii labada Aqal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa sheegay in maadaama dalka uu doorasho u diyaar garoobaayo islamarkaana labada aqalba ay horyaalaan shuruuc muhiim ah lagu heshiiyay horumarinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta labada dhinac,sidoo kalena la sameeyo xeer hoosaad labada aqal ka dhaxeeya iyo sidoo kale dhisida guddiga adeega Baarlamaanka.

PUNTLAND POST

The post Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo ka heshiiyay khilaaf u dhexeeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this