Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarkii qaraxyada ku bilowday ee Kismaayo oo 15 saac kadib la soo afjaray iyo tirada dableydii weerarka soo qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Ciidamada Ammaanka ee magaalada Kismaayo ayaa ku dhowaad saacad ka hor soo gabagabeeyay weerarkii ku bilowday qaraxyada ee shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotelka Cas-casey oo ka mid ahaa hotelada ugu mashquulka badnaa ee magaalada Kismaayo.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada dableydii weerartay hotelka ee saacadaha badan ka dhex dagaalameysay, waxaana la sheegayaa inay gaarayeen in ka badan shan dagaalame.

Tirada dadka ku dhintay ayaa iyana si rasmi ah loo ogeyn, balse waxaa ku jira dad isugu jira Wariyeyaal, Ergooyin, gabar caan ka aheyd baraha bulshada oo lagu magacaabayay Hodan Naaleeye iyo seygeeda oo Wasiir hore ka soo noqday Jubbaland.

Dhaawacyada ayaa la sheegayaa inay ka badan yihiin sodomeeyo, waxaa la filayaa in qaarkood loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday Hotelka ku yaalla Kismaayo, waxaana uu ahaa weerarkii u horeeyay noociisa ee ay ku qaadaan Kismaayo, iyadoo weerarkan ku soo aaday xilli magaalada isu diyaarineyso doorashooyinka Jubbalan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this