Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Musharrax Ciilmooge oo shaaciyey in la filayey weerarkii Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan doorashada hoggaanka Jubbaland ayaa ka warbixiyey weerarkii xooganaa ee lagu qaaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciilmooge oo Waresi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa sheegay inuu ka mid ahaa mas’uuliyiintii daganaa Hotelka la weeraray, balse haatan uu muddo shan cisho joogay magaalada Muqdisho.

Musharraxan ayaa carabka ku dhuftay in la filayay in Al-Shabaab ay kordhiyaan weeraradooda, si ay u carqaleedaan amniga doorashada Jubbaland.

Ujeedada laga lahaa weerarkii lagu qaaday Hotelka Cas-Casey ayuu ku sheegay in la damacsanaa in lagu qal-qal galiyo ammaanka magaalada Kismaayo oo dhawaan marti gelineysa doorashada maamulkaaasi.

Sidoo kale waxa uu Tacsi u diray dhammaan ehaladdii ay dadkoodu ku dhinteen weerarkaasi, isaga oo kuwa ku dhaawacmay u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Dhinaca kale Musharrax Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa ka dalbaday laamaha ammaanka inay xoojiyaan amniga, gaar ahaan inta lagu guda jiro qaban qaabada iyo u diyaar garowga doorashada Jubbaland.

Weerarkan oo ay masuuliyaddiisu sheegatay Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 10 Qof oo isugu jiray mas’uuliyiin, wariyeyaal iyo shacab .

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/ciil.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this