Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland oo booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay booqday Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarka Argagixiso ee shalay lagu qaaday Hotel ku yaalla magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan waxaa uu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa, isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyadu soo gaareen waxaa kale oo madaxweynahu uu balan qaaday in Caafimaad dibada ah loo qaadayo dadka aan xaaladooda dalka gudahiisa waxba lagaga qaban karin.

Ciidamada amaanka ayuu ku amaanay sida ay uga jawaabeen weerarka waxaana uu xusay in ay soo badbaadiyeen dad farabadan kuwaas oo hotelka daganaa.

  • 1-32.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-30.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-29.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-27.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-26.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-15.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Jubbaland oo booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this