Sign in to follow this  
Deeq A.

Caasimadda Garoowe oo ka qeyb-gashay shirka Maal-gelinta magaalooyinka dunida ee Madrid

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse oo ku sugan magaaalada Madrid ee xarunta waddanka Spain ayaa halkaasi kaga qeyb-galay shir ku saabsan Qorshaha Maal-gelinta adkaysiga magaalooyinka ee (Resilience investment planning).

Shirka oo uu soo qaban-qaabiyay Baanka Adduunka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka socday 26 magaalo oo ku yaalla Qaaradaha dunida waxaana dalka Soomaaliya ku matalayey caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaalada Muqdisho.

Duqa caasimadda Garoowe ayaa shirkaasi ku soo bandhigay Qorshayaasha horumarineed ee ka socda magaalada Garoowe iyo meelaha mashaariicda cusub u baahan ee ay doonayaan in laga taageero.

Baanka Aduunka ayaa ku amaanay maamulka caasimadda Caasimadda Garoowe Nidaamkooda hufnaanta isla-xisaabtanka iyo Dahfurnaanta ku dhisan isla markaasna wuxuu ballan qaaday inay Mashaaric Waxter leh Ka fulin-doonan Garoowe.

Geba-gabadii shirka ayaa maamullada Garoowe iyo Muqdisho waxay gudbiyeen mashruuc biyaha Lagaga maaraynayo magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho ( (Drainage Network System)kaasoo ku kacaya in ka badan 200 Milyan.

  • 1-33.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-30.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-28.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Caasimadda Garoowe oo ka qeyb-gashay shirka Maal-gelinta magaalooyinka dunida ee Madrid appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this