Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa DF Somalia ka caawiya helida xogta qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo haatan dagaal adag kula jirta Kooxda Al-Shabaab ayaa waxa ay taageero kala duwan ka heshaa dalal oo badan oo daneeya arrimaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka dhinaca Milatariga ka taageero Soomaaliya, kaas oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho Donald Yamamoto oo la hadlay Shabelle ayaa bixiyay xog badan oo ku saabsan taageerada ay siiyaan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo).

Mr Yamamoto ayaa sheegay in Mareykanka Soomaaliya uu ka taageero dhinacyo ka mid ay tahay Sirdoonka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay jiraan unugyo guur-guura oo ay iyagu taageeraan, kuwaas oo baadi gooba xogta qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Waxa kale uu carabka ku adkeeyay in ay kala shaqeyn doonaan hay’adaha ammaanka, sidii looga hortagi lahaa weeraradaay Al-Shabaab, gaar ahaan qaraxyada ay ka geystaan gudaha Caasimadda.

Dowladda Mareykanka waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo lagu qiyaaso 500 illaa 800, kuwaas oo caawiya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliya magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu khasaaraha badan ka soo gaaro dadka rayidka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this