Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo war ka soo saaray weerarka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si kulul uga hadlay weerarkii shalay gelinkii dambe lagu qaaday hotelka Cas-casey oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa Tacsi u diray ehellada ay dadkoodu ku dhinteen weerarkaasi, sidoo kalena ku dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa amray hay’ada amniga inay sare u qaadaan sugida ammaanka.

Sidoo kale wuxuu xukuumadda Soomaaliya faray in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhanka kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka dowlad goboleedka Jubbaland inay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, islamarkaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga ee maamulkaaasi.

Weerarkan oo ay  sheegteen Al-Shabaab ayaa weli ka socda magaalada Kismaayo, iyadoona rag hubeysan ay ka dhex dagaalamayaan gudaha hotelka la weeraray.

In ka badan 10 Qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Hodan Naaleeyee iyo Sayigeeda oo lagu magacaabi jiray Fariid Jaamac, kaas oo ka soo mid noqday Wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli uu socda howlgal lagu soo afjarayo weerarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this