Sign in to follow this  
Deeq A.

Weriye oo Reer Laascaanooda oo ku geeriyootey Qaraxii kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

 weriye oo Reer Laascaanooda oo ku geeriyootey Qaraxii kismaayo

 hodan-300x218.jpg

Waxaa isa soo taraya dadka ku dhintay weerarkii ku bilawday Ismiidaaminta ee lagu qaaday Hotel Madiina oo horay loo oran jiray (Hotel Cascasey).

Dadka ku geeriyooday weerarka waxaa kamid ah Hodan Naaleeye oo ahayd  wariye madaxbanaan oo aasaastay Integration TV.

Sidoo kale waxaa la geeriyooday Seygeeda oo lagu magacaabi jiray Fariid Jaamac kasoo mid noqday Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Hodan ayaa ku dhalatay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 1976-dii, waxaa la dhashay 4-wiil iyo 7-gabdhood.Hodan Naaleeye iyo Qoyskeeda waxa ay Canada galeen 1984-tii, iyaga oo saldhigtay Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta.

Waxbarashadeeda hoose waxa ay ka baxday West Humber Collegiate Institute, halka University of Windsor ay ka qaadatay Shahaada Bachelor-ka, iyada oo ka baratay Farshaxanka.

Waxa ay ahayd qof ku firfircoon baraha Bulshada, waxaana ay ku lahayd dad badan oo ku xirnaa baraheeda.Hodan iyo Seygeeda waxa ay muddooyinkii dambe ku noolaayeen Magaalada Kismaayo

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this