Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii Amiirka Qadar iyo Trump oo wadnaha jaray Sacuudiga iyo Imaaraadka  

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulankii Amiirka Qadar iyo Trump oo wadnaha jaray Sacuudiga iyo Imaaraadka

 qatar.jpg

 Soo dhaweyntii weyneyd oo uu Amiirka Dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani kala kulmay Dowladda Mareykanka ayaa caddeyn buuxda u noqotay inuu buray go’doonkii ay Qatar geliyeen Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta sida uu qoray Wargeyska The Times Khamiistii Shalay aheyd.

Tifaftiraha Wargeyska ee dhanka Bariga Dhexe Richard Spencer ayaa sheegay in Dowladaha Mareykanka iyo Qatar kala saxiixdeen heshiisyo ganacsi oo aad u badan oo ay kamid tahay in Qatar laga iibiyo hubka Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa Dowladda Qatar ku tilmaamay inay tahay saaxiib dhow oo ay leedahay Washington sida uu hadalka u dhigay.

” Dadka Qatar waxay maalgelin xoog leh ku sameysteen dalkeena, waxay abuureen shaqooyin badan iyagoo lacago badan ku iibsaday saanado Militari oo ay kamid yihiin Diyaaradaha dagaalka” ayuu yidhi Trump.

Dowladda Mareykanka ayaa Qadar ku amaantay sida ay uga qeyb qaadato la dagaalanka argagixisad, waxayna midaan meesha ka saartay doodii Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ahaa inay Qadar maalgeliso argagixisada sidaasna ay go’doon ku geliyeen.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa salaadadii lasoo dhaafay aqalka cad kusoo dhaweeyey boqorka Qadar, waxayna kala saxiixdeen heshiisyo waaweyn oo kusaabsan iskaashi dhexmara labada dhinac.

Kulanka dhex maray Trump iyo Sheikh Tamim ayaa caddaynaya horumarka diplomaasiyadeed oo ay gaadheyso Qadar xilli 2017 ay go’doon dhan walba ah saareen qaar ka tirsan dowladaha Carabta oo ay hormuud u yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Dowladaha go’doonka geliyey Qatar ayaa kala ah Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn waxayna sabab uga dhigeen inay Qadar taageerto Argagixisada inkastoo ay Qadar arrintaas si weyn u beenisay ayna sheegtay inay dowladahaan rabaan inay meel uga dhacaan madax banaanida Qadar.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this