Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi Oo Arin Layaab leh  Sameeyay+Macsuumad Qado & Qosolka Ku Duugan. 

Recommended Posts

Deeq A.   

Muuse Biixi Oo Arin Layaab leh  Sameeyay+Macsuumad Qado & Qosolka Ku Duugan.

IMG_AD707B-AEBC0E-6EA111-463F78-AD43F7-A

Madaxweyne Biixi ayaa maanta gurigiisa ku sameeyay Macsuumad Qado ah oo la isku arkay taasi oo kulan siisay Odayaal kasoo kala jeeda Jufooyinka Somaliland Oo dhan, kuwaasi oo illa heer Gobol iskaga yimid.

Qisada layaabka leh ee meesha kujirta ayaa ah inaanay is ogayn odayaasha madashani lagu macsuumay, waxaanay beel walba dhankeeda u filanaysay oo ay u qarsanahay inuu kulan gaar ah la yeelanayo Madaxweynuhu, balse waxa ay arini timid markii ay gurigiisa ay iskugu yimaadeen Wajiyo badan oo caan ah oo kasoo kala jeeda beelaha Somaliland. Tusaale ahaan waxa suuqa soo gaadhay saacado ka hor intaanay Macsuumadu furmin ee aan guriga la tagin inuu Madaxweynuhu kulan gaar ah oo qado ah u sameeyay Odayaasha Beesha degta Gobolka Saaxil kuwaasi oo ubadnaa dhinaca martida la sooryeeyay.

Sikastaba ha noqotee, Ujeedada Qadadan maanta uu Sameeyay Madaxweyne Biixi ayaa lagu sheegay mid loogu ducaynayay Arooska wiil uu dhalay Madaxweyne Biixi oo lagu magacaabo Maxamed Muuse Biixi oo Todobaadkan ka dhacday Dalka Jabuuti.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this