Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay weeraradii Caawa ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( SMN) Wararkii ugu dambeeyay aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa ku soo warramaya in dadka ku geeriyooday weeraradii Maqribnamadii Caawa ka dhacay halkaas uu ku jiro Wariye Gacmadheere loo yaqaanno oo ka tirsanaa Television ka SBC.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Ciidamada Ammaanka ayaa ka soo badbaadiyay halkaas Senetarro Aqalka sare ee DFS ka tirsan oo ay ka mid yihiin Iftiin Xasan Baasto, iyo Axmed Xaashi.

Waxaa jira Khasaarooyin intaas ka badan balse aan la xaqiijin Karin illaa iyo Iminka.

Dagaalamayaasha ayaa weli ka dhex dagaalamaya gudaha Hoteelkaasi ku yaalla Magaalada Kismaayo.

Hoteelka Madiina Ex Cascaseey ayaa  Hooy u ahaa Musharrax Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho.

Waxaana lagu soo warramayaa in dagaalamayaasha ku jira gudaha Hoteelka ay ka dhex dagaalamayaan qeybta uu ka deganaa Hoteelkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this