Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar Lagu Qaaday Hotel-ka Kismaayo oo La soo Gabagabeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar caawa fiidkii lagu qaaday Hotelka Cascasey ee gudaha Kismaayo ayey lSoo afjareen laamaha ammaanka,sida uu Goobjoog News u sheegay. Afhayeenka laamaha amniga Cabdi nuur.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka caawa lagu qaaday Hotelka ku yaala Kismaayo , ayadoo hotelka ay daganaayeen Xildhibaano aqalka sare, kuwa baarlamaanka federaalka iyo Jubbaland.

Gudihiisa Hotelka ayaa waxaa laga soo badbaadiyay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federalka iyo kuwa ka tirsan dowled gobaleedka Jubbaland.

Xildhibaanada la soo badbaadiyay waxaa ka mid ah xildhibaan Caana Nuug iyo Senator Iftiin Xasan Baasto waxaana hadda wali socda howlgalka ay wadaan ciidama ammaanka oo lagu ogaanayo khasaaraha dhabta ah ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarka.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this