Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta weerarkii Kismaayo iyo Al-shabaab oo sheegatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (PP) ─ Warar dheeraad ah ayaa ka imaanaya weerarkii cuslaa ee galabta lagu qaaday hoteel ku yaalla bartamaha Kismaayo, kaasoo kooxda Al-shabaab ay sheegatay, waxaana la sheegayaa in uu weli weerarku socdo.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in xildihbaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya laga soo badbaadiyay hoteelka la weeraray, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Iftiin Xasan Baasto iyo Caano-nuug oo labadaba Jubbaland laga soo doortay.

Weerarkan oo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee naftooda ku waayay, ayaa waxay wararku sheegayaan in dadka ku dhintay uu ka mid ahaa wariye u shaqeynayay telefishinnada afka Soomaaliga ku hadla, inkastoo wararka aan la hubin ay sheegayaan inay jiraan mas’uuliyiin kale oo weerarka lagu dilay.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay iyagu mas’uul ka yihiin, ayna la beegsadeen hoteel ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan DF iyo maamulka Jubbaland, sidoo kalena ay joogeen xubno caddaan ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Innaga ayaa ka dambeynay weerarka, waxaan weerarnay hoteel Cas-casey oo ku yaalla bartamaha Kismaayo, waxaan weerarkaan ku billownay Qarax, intaas kaddibna waxaa hoteelka gudaha u galay ciidamadeenna, Hoteelka gudihisa waxaa daadsan dad badan oo uu ku jiro ruux caddaan ah,” ayuu ku yiri hadalkiisa afhayeenka hawlgallada ee Al-shabaab.

Dhanka kale, wararka laga helayo Kismaay ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo gudaha hoteelka, ayna halkaas ku sugna yihiin ciidamada sida  gaarka ah u tababaran ee Jubbaland, lana wado hawlgallo lagu badbaadinayo dadka ku sugnaa hoteelkaas.

Weerarkaan ayaa wuxuu noqonayaa midkii ugu horreeyay noociisa oo ururka Al-shabaab ay ka geystaan gudaha Kismaayo oo sanadihii u dambeeyay laga dareemayay magaaladaas ammaan la isku halleyn karo.

Ugu dambeyn, Hoteelka la weeraray ayaa waxaa dadka daggan ka mid ahaa C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah musharraxiinta u tartamaya doorashada madaxnimo ee dhawaan ka dhici doonta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

PUNTLAND POST

The post Faah-faahinta weerarkii Kismaayo iyo Al-shabaab oo sheegatay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this