Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Millatariga Suudaan Oo Ka Badbaaday Iskuday Afganbi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Guddiga millatariga Suudaan ayaa ka badbaaday afganbi millatari waxaana xabsiga la dhigay 16 sargaal sida ay tabisay warbaahinta Dowlada.

15629114339485e.jpg

Afganbigaan dhicisoobay ayaa imaanaya iyadoo wadahadalo ay u socdaan golaha qaran ee Millatariga haya tallada iyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suudaan.

Saraakiisha la xidhay ayaa iskugu jira xubno ka tirsan laamaha Millatariga sirdoonka iyo kuwa adeega qaranka oo waday isku day Afganbi oo ka dhan ah Janaraal Jamaal Cumar.

Tv-ga dowlada Suudaan ayaa xaqiijin xiliga uu dhacay isku daygan lagu maja xaabinayay golaha qaran ee millatariga Suudaan.

Dhanka kale Janaraal Cumar ayaa sheegay inay ku raad joogaan askar kale oo ku lug laheyd afganbiga Dhicisoobay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this