Sign in to follow this  
Deeq A.

37 Qof Oo Ku Dhaawacmay Diyaarada Air Canada Iyo Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Canada)-Ugu yaraan 37 qof ayay dhaawacyo ka soo gaadheen shirkadda Air Canada oo xaaladi ay la soo daristay kadib markii ay si dhakhso ah usoo cago dhigatay.

107847000_67188227_716882635430957_47750

Diyaaradan Air Canada ayaa siday 284 rakaab iyo shaqaalaha diyaarada isugu jiray waxaanay ka soo duushay Vancouver iyadoo u socotay Sydney balse waxay ku khasbanaatay inay si degdeg ah ugu dagto Hawaii.

Sodon qof oo ka mid ah rakaabkii diyaarada ayaa loo qaaday cusbitaalka Honolulu, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada bileysku.

Diyaaradan shilku qabsaday ee Air Canada ayay nooceedu ahayd Boeing 777-200 jet, waxaanay cilad kala kulantan dhinaca hawada.

Badi dadka dhaawacyadu soo gaadheen ayaa ka soo go’ay xaga sare ee diyaarada kadib markii ay madaxa ku dhufteen markii ay diyaaradu sida dhakhsaha ah ay usoo cago-dhiganaysay.

Waxaanay badi dadkii rakaabka ahaa ee diyaarada saarnaa ay ahaayeen kuwo anfariirsan oo aad u naxsan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this