Deeq A. Posted July 12, 2019 Kismaayo (SMN) – Weerar ku bilowday qarax ayaa lagu qaadey huteel caan ah oo ku yaala magaaladda Kismaayo, xarunta ku meel gaarka maamulka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku bilowday qarax gaari kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaaladaasi. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi oo dhacay iyadda oo huteelka ay shir ku lahaayeen Xildhibaano iyo ddayaasha dhaqanka. Ma cadda illaa iyo haatan waxyeeladda ka dhashay dhacdadaasi oo imaaneysa xili Kismaayo laga dareemayo qaban-qaabada doorashadda. Bisha dambe ayaa la filayaa in ay qabsoonto coddeynta oo ay ku tartamayaan murashaxiin uu kamid yahay madaxweyne Axmed Madoobe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites