Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Kismaayo iyo weerar toos ah oo socdo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Qarax Weyn ayaa laga Maqlay Gudaha Magaalada Kusmaayo Caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland sida ay  Caasimadda u xaqiijyeen goobjoogayaal.

Qaraxa ayaa ka dhacay Hoteelka  loo yaqaan Cas Caseey iyo Maamuus oo ku dhow Aargada Magaalada Kismaayo.

Waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyabaaha Qarxa oo lagu dhuftay Iridda Hoteelka, waxaana xigay dagaal toos ah oo ay ku qaadeen Hoteelka Koox hubeysan.

Waxaa Magaalada laga maqlayaa rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan Ciidamadii weerarka soo qaaday iyo kuwa ka tirsan Jubbaland.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu hotelka daganaa mid kamida ah musharixiinta Jubbalanad iyadoo la sheegay inay halkaas ka socdeen kulamo.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this