Deeq A. Posted July 12, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre ayaa soo gabagabeynaya socdaalkiisa magaaladda Gaalkacyo. Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto Dhuusamareeb, caasimada Galmudug. Mudane Khayre ayaa intii uu ku sugnaa Gaalkacyo wuxuu la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool halkaasi. In ka badan todobaad ayuu ra’iisul wasaaruhu ku sugan yahay degaanada Galmudug oo uu u tegay dhismaha maamulkaasi oo loo dhan yahay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites