Deeq A. Posted July 12, 2019 Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay danjiraha Mareykanka u fadhiya dalka. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Donald Yamamota ayaa kawada hadlay taageerada Mareykanka siiyo dowlada federaalka ah. Mareykanka ayaa ka taakuleeya Soomaaliya dhinacyadda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u dhiska hay’addaha dowladda. Wasiir Bayle ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay wuxuu ku sheegay in dowladdu ka mahad-celineyso taageerada Mareykanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites