Deeq A. Posted July 12, 2019 Baydhabo (SMN) – Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa Khamiistii gudoomiyey kulanka Golaha Wasiirada maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Shirka oo ka qabsoomay xarunta ku meel gaarka maamulkaasi ee Baydhabo ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo xaalada dalka quseeya. Qodobada shirka lagu soo qaadey waxa kamid ahaa dadkii lagu laayey degaanada Galmudug ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed oo guddi heer federaal ah oo loo saarey dhacdadaasi ayaa golaah warbixin siiyey. Ugu dambeyntii, xubnaha ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in lasoo qabto raggii falalkaasi ka dambeeyay, lana horgeeyo sharciga. Codka wasiirka warfaafinta KGS oo sharaxaya https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixin-2.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites