Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kenya oo arrin halis ah oo ay Soomaali ku la’deen ka billowday xaduudda

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Muddo 48 saac gudahooda ayaa waxaa Xudduuda Soomaaliya ay la wadaagto Kenya ku dhintay ugu yaraan 5 qof waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo kale kuwaas oo dhamaantood ah dad shacab ah.

Dadkaan ayaa ku dhintay miinooyin dhulka la geliyay oo ku qarxay Gaadiid ay saarnaayeen,  waxayna u badan Haweenka Soomaaliyeed ee ka ganacsada Gudaha Kenya kuwaas oo daggan gudaha Soomaaliya. Haweenkaan ayaa ah kuwa ka ganacsada Caanaha iyo Qoraha la shito waxayna isaga gudbiyaan Soomaalida Waqooyi bari iyo Soomaalida Gobalada Gedo iyo Jubada Hoose.

Saraakiisa amaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in Kenya ay miinooyin badan ay ku aastay masaafo dheer oo isku xirta Xudduuda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan Gobalada Gedo iyo Jubada Hoose.

Waxaa socda dedaalo dadka Soomaaliyeed loogu wargelinayo in aysan gaadiid ku marin Xudduuda labada dal maadaama ay buuxaan miinooyin badan oo ay ku aaseen Ciidamada Kenya. Militariga Kenya ayaa sheegay in Miinooyinkaan ay isaga difaacayso Al-Shabaab-ka soo gala gudaha dalkooda.

Arintaan ayaa loo arkaa in ay halis ku tahay nolasha dad badan oo Soomaaliyeed oo daggan gudaha Kenya, gaar ahaan Gobalka Waqooyi Bari iyo Soomaalida dagan gudaha dalka.

Kenya oo Soomaaliya kula jirta muran dhanka Badda ah ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhisay tacadiyada iyo dhibaatada ay u geestaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalkeeda iyo kuwa ka gudba Xudduuda Soomaaliya ee gala gudaha Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this