Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Sida laga soo xigtay Hay’adda NISA, howlgal ay Ciidamada Amnigu ka fuliyeen duleedka Muqdisho  ayaa waxa ay ku soo qabteen 2 Nin oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab iyo Hubkooda,

Warkaan ayaa lagu sheegay in raggaasi ay maleegayeen  Dilal ka dhan ah Shacabka.

Sidooo kale dadka lagu qabtay Howlgalkaan ayey sheegeen in ay ka mid ahaan 2 Howlwadeen oo ka tirsan Shirkad Ganacsi kuwaas oo aan la xusin sababta xarigooda.

Dhinaca kale, Lama shaacin Waqtiga uu dhacay Howlgalka iyo halka sida Rasmiga ah looga fuliyay.

NISA oo Qoraal Kooban oo arrintaan ay uga hadleyso ku faafisay Barteeda Twitter ayaa waxaa ka muuqday Sawirro Bastoolado la rumeysan yahay in ay yihiin Hubka Howlgalkaasi ay ku qabteen.

Hoos Ka Daawo Qoraalka iyo Sawirrada ay NISA uga hadashay  howlgalkooda

WhatsApp Image 2019-07-11 at 19.43.22

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this