Deeq A. Posted July 11, 2019 Muqdosho (SMN) – Ciidanka ammaanka ayaa maanta Saldhigga Degmada Dhankeynleey kusoo bandhigay Lix Nin oo Burcad ah, kuwaas oo Dadka Rayidka ah dhac iyo handedaad u geysan jiray. Raggan oo markii lasoo qabanayay ku Hubeysnaa Qoryaha AK-47, ayaa Bulshada ku hayay dhib fara badan, kuwaas oo loo gudbiyay Maxkamadda Ciidanka, si loogu qaado dembiyada loo haysto. Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan, oo goobta lagu soo bandhigayay Burcadda ku sugnaa ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan wadaan olole ballaaran oo lagu cirib tirayo qowleysatada dhaca u geysta Shacabka ku dhaqan Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir. “Olole xoogan baan wadnaa oo cid kasta oo Hub u adeegsata Shacabka loo gudbinayo Maxkamada Ciidanka si aan Shacabka u badbaadsanno” ayuu yiri Guddoomiye Yariisoow. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Qofkii ka daba yimaadda Burcadda loo aqoonsanayo Burcad-kalkaal, isla markaana laga qaadi doono tallaabada ku habboon. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites