Sign in to follow this  
Deeq A.

Weeraro khasaaro geystay oo ka dhacay Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro xoogan oo saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi, iyadoona  uu xigay dagaal toos ah oo dhex maray Milatariga Soomaaliya iyo raggii weerarka soo qaaday.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa 10 askari, kuna dhaawacmeen 7 kale.

Sidoo kale kale weerarka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Bariire ee isla gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar ku ekeeyeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Ma cadda illaa haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dhanka kale ma  jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka oo la xariira weeraradaasi.

Al-Shabaab oo weli ku xoogan koonfurta Soomaaliya ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this