Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha uu kasoo jeedo Axmed Madoobe oo go’aan iyo digniin kasoo saartay Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Shir ay taageerayaasha Axmed Madoobe ee Beesha Kuumade ku yeesheen magaalada Kismaayo ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan xaaladda Jubbaland, Doorashooyinka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha shirkaasi ka qeyb galay ayaa dad ka kala yimid dunida dacaladeeda ayaa lagu eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay faragelin ku heyso Doorashada Jubbaland, isla markaana la diidsiiyey xaqii ay ku lahayd dowaldda federaalka, iyadoo mas’uuliyiintii uga midka ahaa dowladda denbiyo lagu soo oogay, weliba ay bannaan yihiin xilalkaasi.

Waxay Baadil ku tilmaameen qoralkii kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ee habraaca doorashada Jubbaland, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa qas abuur lagu khalkhal gelinayo nabadda Jubbaland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Beesha Kuumade ay isku raacday inuu musharaxeeda kaliya ee doorashada Jubbaland uu yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaana loo mahad celiyey Puntland oo ka hor timid faragelinta dowladda Federaalka.

Halkaan hoose ka daawo


Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this