Sign in to follow this  
Deeq A.

Malayshiyaad ka yimid Galmudug oo dad shacab ah ku laayay gudaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Gaarig.jpg?w=1000&ssl=1Sawir laga soo qaaday gaariga la weeraray

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacntay kadib markii koox hubaysan ay duhurnimadii shalay jidka u galeen gaari siday oo marayey meel u dhexaysa tuulada Gaxandhaale iyo degaanka Saaxo oo ka tirsan gobolka Mudug.

Gaariga la weeraray oo ay saarnaayeen dad xoola-dhaqato ah ayaa sida la sheegayo ka yimid dhanka tuulada Gaxandhaale waxaana uu ku socday degaanka Saaxo balse kooxda hubaysan oo ka soo gudbay dhinaca koonfurta Mudug ayaa si aan kala sooc lahayn rasaas ula dhacay maatadii gaariga saarneyd oo ay ku jiraan haween iyo carruur sida ay goobjoogayaal xaqiijiyeen.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dadka gaariga saarnaa 5 ruux kamid ah isla goobta ku geeriyoodeen halka saddex kalena meesha laga qaaday iyagoo dhaawacyo culus qaba. dhinaca kale kooxdii dadka laayay ayaa goobta ka baxsaday.

PUNTLAND POST

The post Malayshiyaad ka yimid Galmudug oo dad shacab ah ku laayay gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this