Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacab Lagu Dilay Duleedka Magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad rayid ah, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Sidey inoo sheegeen dad deegaanka ah, Saddex qof ayaa ku geeriyootey rasaastan lagu furay gaariga, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 5 qof kale.

Gaariga ayaa marayey deegaanka Saaxo oo hoostaga magaalada Gaalkacyo, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa la geeyey isbitaalka magaaladaasi.

Maleeshiyaadkii falkaasi geystay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen, iyadoo aan la ogeyn sababta arrintaasi ka dambeysa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this