Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegtay inay dishay 10 Askari kadib weeraro ka dhacay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo(Caasimada Online) – Sida lagu baahiyey boggaga taageera Al-Shabaab waxa ay saacadihii la soo dhaafay weerar culus ku qaadeen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa la sheegay inuu xigay dagaal toos ah oo ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo dhex maray ciidanka dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa 10 askari, kuna dhaawaceen 7 kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Al-Shabaab weerar kale ay ku ekeeyeen fariisimo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Labada dhinac aya la sheegay inay is weydaarsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, inkastoo aan la cadeyn karin khasaaraha ka dhashay halkaasi.

Ma jiro weli war ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dagaalladaasi.

Weeraradan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed socdaal dhinaca cirka ah uu ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this