Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ciidamo soo dhoobtey Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceerigaabo (SMN) – Maamulka Somaliland ayaa lagu waramayaa in uu ciidamo dheeraad ah kusoo daabulay agagaarka magaaladda Ceerigoobo ee gobolka Sanaag, waqoyga Soomaaliya.

Talaabadan ayaa imaaneysa xili ay halkaasi shalay ka dhaceen dibad-baxyo rabshado watay kuwaasi oo waxyeelo sababay.

Ciidamada ayaa la sheegayaa ay bilaabeen howlgalo ay uga hortagayaan in mar kale ay halkaasi ka dhacaan banaanbaxyo rabshado wata.

Dhanka kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo isku dhac mar kale qaybo kamid ah gobolkaasi ku dhexmara ciidamada Somaliland iyo Jabhadda uu hogaamiyo Korneyl Caare.

Jabhadda Korneylka iyo ciidamada Somaliland ayaa dhowr jeer horey ugu diriray qaybo kamid ah gobolkaasi oo ay wali isku hor-fadhiyaan.

Xaaladda gobolka ayaa la sheegayaa in ay tahay mid kacsan isla markaana laga cabsi qabo iska hor-imaad dhinacyadaasi dhex-mara.

Mudooyinkii dambe qeybo kamid ah gobolka Sanaag waxaa kusoo laa-laabanyey dagaalo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Jabhadda Korneyl Caare.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this