Deeq A. Posted July 11, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Dabley hubeysan ayaa la sheegayaa in xalay ay rasaas ooda uga qaadeen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah. Gaari la rasaaseeyay ayaa lagu waramayaa in uu marayey degaanka Saaxo oo u dhaxeeyay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob. Dadka saarnaa baabuurka ayaa sheegayaa in ay kasoo jeedeen degmada Goldogob ay kusoo wajahnaayeen xarunta gobolka Mudug. Inta la xaqiijiyey afar ruux oo rayid ah ku dhimatay dhacdadaasi xili ay ku dhaawacmeen tirro kale oo intaasi ka baxay. Kooxaha hubeysan ee falka sameysay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen xili aanan wali la ogeyn waxa keenay falkan. Mas’uuliyiinta maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Mudooyinkii dambe waxaa degaanada gobolka Mudug waxaa kusoo kordhayey dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil. View the full article Share this post Link to post Share on other sites