Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho oo 90 casho looga nadiifinayo qashinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay magaaladda Muqdisho ka bilaabay howlgal lagu burburinayo goobaha sharci daradda ah ee ku yaala hareeraha wadooyinka.

Howlgalkan oo xalay laga sameeyay wadada Maka Al Mukarama ayaa waxaa ka qeybqaatay ciidanka ilaalada degaanka iyadda oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiinta qaar ee degmooyinka.

Madaxda ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay howlaha uu maamulku wado ee bilic soo celinta caasimadda si ay ula tartatanto dhigeeda magaalooyinka kale ee caalamka iyo dalalka deriska.

Cabdifitaax Cumar Xalane, Agaasimaha Waaxda Nafaadda maamulka gobolka gobolka Banaadir, ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in muddo 90 casho ah ay caasimada uga nadiifinayaa qashinka

Mr Xalena ayaa shaaciyey in amarkan uu bixiyey gudoomiyaha gobolka ahna duqa caasimada, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, kaasoo dhankiisa kormeer ku sameeyay howlgalka.

Image may contain: 4 people, people standing

Image may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: one or more people, night, car and outdoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this