Deeq A. Posted July 11, 2019 Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay magaaladda Muqdisho ka bilaabay howlgal lagu burburinayo goobaha sharci daradda ah ee ku yaala hareeraha wadooyinka. Howlgalkan oo xalay laga sameeyay wadada Maka Al Mukarama ayaa waxaa ka qeybqaatay ciidanka ilaalada degaanka iyadda oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiinta qaar ee degmooyinka. Madaxda ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay howlaha uu maamulku wado ee bilic soo celinta caasimadda si ay ula tartatanto dhigeeda magaalooyinka kale ee caalamka iyo dalalka deriska. Cabdifitaax Cumar Xalane, Agaasimaha Waaxda Nafaadda maamulka gobolka gobolka Banaadir, ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in muddo 90 casho ah ay caasimada uga nadiifinayaa qashinka Mr Xalena ayaa shaaciyey in amarkan uu bixiyey gudoomiyaha gobolka ahna duqa caasimada, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, kaasoo dhankiisa kormeer ku sameeyay howlgalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites