Sign in to follow this  
Deeq A.

Kiiska Badda: Soomaaliya ‘oo fursad siineysa wada-hadallo iyo kulamo dhacay’

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomnaaliya ayaa u muuqata inay u hoggaansameyso cadaadiska xooggan ee caalamiga ah ee la saarayo ee ku aaddan muranka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya, sida ay werinayaan warbaahinta caalamiga ah.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Soomaaliya ay hadda u muuqato inay fursad cusub siineyso xal ka baxsan maxkamadda oo kiiskan laga gaaro, taasi oo ah arrin ay muddo diidaneyd.

Wargeyska Business Week ayaa qoray inuu jiro kulan qarsoodi ah oo dhex maray wakiilo ka socda Nairobi iyo Muqdisho, kaasi oo ay dhex-dhexaadisay dowladda Mareykanka, kana dhacay New York.

Sidoo kale, wargeyska Daily Nation ee kasoo baxay Nairobi ayaa qoray inay jiraan dadaallo uu wado ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ay gadaal ka riixayaan Mareykanka iyo Britain, kuwaasi oo muddo si hoose u socday balse soo shaac baxay toddobaadkan.

Taleefishinka CGTN ee Shiinaha ayaa isna warbixin uu qoray ku sheegay in qorshaha Abiy Ahmed uu yahay in dib loo dhigo kiiska maxkamadda ilaa waqti cayiman si waqti loo siiyo wada-hadallada.

Qorshahan ayaa u muuqda mid Soomaaliya laga iibin karo maadaama aysan si buuxda kiiska maxkamadda uga wada baxeyn, oo ay kaliya dib u dhigeyso inta wada-hadallada socdaan, waana midd hadda si xooggan diiradda loo saarayo.

Abiy Ahmed ayaa qorsheeyey inay 13-ka bishan kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta. Kulankan ayaan waxaa weli xaqiijin labada waddan.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray laba maalin ka hor ku beeniyey “inuu is-beddelay mowqifkii Soomaaliya ee ku aadanaa ee kiiska maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this