Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo bilowday qorshe cajiib ah oo la xiriira amniga wadada Maka al-Mukarama

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bilaawday dhismaha tabeelooyin ka sameysan dhagxaan shub ah oo laga taagay inta badan Isgoysyada Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay in lagu xirayo Kaamirooyin casri ah oo ka qeyb qaata sugidda amaanka magaalada Muqdisho

Kaamirooyinkaan ayaa lagu xirayaa dhamaan Isgoysyada Maka Al-Mukarama iyo sidoo kale dhamaan Raana-boodka waddada Maka Al-Mukarama ee loogu talagalay in ay ku kala wareegtaan Gaadiidka isticmaala wadadaasi lagu xirayo Kaamirooyinka.

Sababta loo keenay Kaamirooyinkaan islamarkaana loogu xirayo waddada Makal Al-Mukarama ayaa lagu sheegay laba sabab oo kala ah.

1 – In ay noqdaan xog keydsan oo laga baaro dhammaan dhacdooyinka Waddadaasi muhiimka u ah dadweynaha Muqdisho islamarkaana ku badan qaraxyada iyo Weerarada Al-Shabaab.

2 – In xal loo helo shaki laga qabo ciidamada qaar oo ku aadan in Gaadiidka ay soo daayaan, markii la weydiinaya ay isku tuur tuuraan ama ay beeniyaan waana sababta ugu muhiimsan oo loo xirayo Kaamirooyinkaan.

Wadada Makka Al-Mukarama oo ah meesha ugu adag ee amaankeeda aad loo adkeeyo ayaa ka bixi weysay weerada Al-Shabaab. Qaraxyada ugu badan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ka dhacaan Wadada Maka Al-Mukarama iyo nawaaxigeeda oo ay ku yaalaan goobaha ganacsi ee ugu waa wayn magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waa goobaha ugu badan oo ay ku kulmaan shacabka magaalada Muqdisho, iyadoo xiliyada dambe ee maalintii iyo habeenadii ay dadweyne soo buux dhaafiyaan maqaayado ku yaala hareeraha wadadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com
 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this