Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Puntland oo ku kala qeybsantay booqashada Khayre iyo amarka Deni oo la buriyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi la socday oo maalmahanba ku sugnaa Galmudug ayaa galabta tagay dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo oo ka tirsan Puntland, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay, balse dhanka kale dhalisay khilaaf soo kala dhex galay maamulka Puntland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku gacan seyray inuu Ra’iisul wasaaruhu booqdo Waqooyiga Gaalkacyo, balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii ogaaday galabta in dhallinyaro is abaabulay ay ku sugayaan garoonka Kubbadda Cagta ee Cawaale waxa uu go’aansaday inuu tago, isaga oo aan ogolaansho weydiisan Deni.

Dhanka kale ciidamada PSF-ta Puntland aya aku gacan seyray amarka madaxweyne Deni ee ahaa inaan loo oggolaan in Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbo, taas oo dhalisay khilaaf soo kala dhex galay maamulka iyo ciidamada oo Ra’isul Wasaaraha soo dhoweeyay.

Khayre oo la hadlayay kumannaan qof oo ku soo dhoweeyay Waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka aan la kala dhex geli karin, hadalkaas oo u muqday farriin ku socotay Madaxweyne Deni.

Maamulka Puntaland ee Gaalkacyo oo shir jaraa’id qabtay caawa ayaa sheegay in Ra’iisul Wsaaaruhu uu baal maray hab-maamuuskii ay ugu talagaleen, kadib markii uu dib ugu soo laabtay caawa Koofurta Gaalkacyo.

Hadalka kasoo yeeray maamulka Gaalkacyo oo ku xiran madaxweyne Deni ayaa loo arkay mid si dadban loogu sheegayey in Kheyre uu magaalada iska soo galay iyada oo madaxweyne Deni uu arrintan diidanaa.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu aad u xun yahay khilaafka ka dhex oogan maamulka Puntland iyo dowladda federaalka mana cadda tallaabada xigta ee ay Puntland qaadi doonto.

66855631_2434234163474370_70592637601579 66228288_2434234793474307_87215787584163 66459519_2434235596807560_71543915133282 66632417_2434235586807561_71985005396953 66445044_2434246576806462_62902493976576 66581285_2434246583473128_64672365517251 66760214_2434246596806460_80990667525849 66442396_2434246773473109_20018681075885 66396124_2434247063473080_79364035206080

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this